Soomaalida Aan Sharciga Haysan Ee Sucuudiga Oo La Cafiyey

Sucuudiga (HCTV) – Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Dawlada Sucuudigu Cafis u fidisay Dadka Soomaalida ah ee sharci-darrada ku jooga Dalkaasi, sida kuwa Ciqaamaduhu ka dhaceen.

Sii hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Sucuudiga Saalim Macow Xaaji ayaa sheegay in Dadka Cafiska loo fidiyey yihiin kuwa Sharci-darrada ku jooga Sucuudiga ee doonaya inay isaga baxaan, sida kuwa Ciqaamaduhu ka dhaceen, Kuwa Tahriibka ku galay.

Sii hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Sucuudiga Saalim Macow Xaaji oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Dawladda Sucuudigu waxay naga ogolaatay in Dadka Soomaaliyeed ee Sharci-darrada ku jooga Sucuudiga loo fududeeyo bixitaankooda, Saddex baa loo kala qaaday Dadka, kuwa Ciqaamadaha leh ee ay ka dhacsan yihiin ee lacagta badan lagu leeyahay ee raba in iyaga iyo Carruurtoodu ay Dalka ka baxaan, kuwaa waalla cafiyey oo lama xidhayo ee ay bixi karaan.”

Sii hayuhu waxa kale oo uu sheegay “Sidoo kale, Dadka ku soo galay Tahriibka waalla fasaxay oo ka bixi karaan Waddanka iyo Dadka ku yimid Xaj ama Cimro ee  muddada dheer Sharci-darrada halkan joogay waalla cafiyey.” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Cafiskani wuxuu gaar u yahay Dadweynaha Soomaaliyeed. Cafisku wuxuu bilaaban doonaa 16-ka bisha June, waxaanu socon doonaa illaa 2 bilood, markaa waxaan Dadweynaha.”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka