Xuutiyiinta Oo Lagu Eedeeyay Inay Ku Xadgudbeen Qawaaniinta Dagaalka

Beirut, (HCTV) – Hay’adda xuquuqal Insaanka caalamiga ah ee Human Right Watch ayaa ku tilmaantay weerarada kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen ay ku hayaan madaarada shacabka ee daka Sucuudi Carabiya mid ka dhan ah qawaaniinta dagaalka, sida lagu sheegay ay maanta soo saartay hay’addaasi, taas oo intaasi ku dartay in taliyeyaasha bixinaya amarada weerarada goobaha shacabka ah ay masuul ka yihiin dambiyadaasi dagaal.

Warbaahinta xuutiyiinta ayaa ku waramay in weerar loo adeegsaday gantaal lagu weeraray Madaarka Abha ee ku yeela koonfurta dalka Sucuudi Carabiya, halkaas oo ay ku dhaawacmeen 26 qof oo sideed ka mid ah loo qaaday Cusbitaalka, halka dhaawacyada 18 qof oo kale la daweeyey isla markiiba.

“Xuutiyiintu waa in sida ugu dhakhsaha badan ay u joojiyaan dhamaan weerarada goobaha shacabka ee dalka Sucuudiga,” sidaasi waxa yidhi Michael Page oo ah Agaasime ku xigeenka bariga dhexe u qaabilsan hay’adda Human Rights Watch.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.