Taliyaha Qaybta Afrika Ee Ciidanka Maraykanka Oo La Kulmay Madaxweynaha Djibouti

Djibouti, (HCTV) – Taliyaha Qaybta Afrika ee ciidamada Maraykanka ayaa kulano heer sare ah la yeeshay hogaamiyeyaasha dalkan ku yaala bariga Afrika ee Djibouti, waxaana kulanadaasi diirada lagu saaray deelada loogu jiro la dagaalanka kooxaha Argagixisada ee ay ka midka yihiin Al-shabaab iyo Kooxda dawlada Islaamka ee IS.

Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Qaybta Afrika, Gen. Thomas Waldhauser ayaa kulan laba geesood ah la yeeshay Madaxweynaha dalka Djibouti Ismail Omar Guelleh iyo xubno kale oo ka tirsan dawlada, sida lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidamada Marayakanka ee Afrika.

Gen. Waldhauser iyo Madaxweyne Guelleh ayaa ka dooday xidhiidhka adage e wadashaqayneed ee u dhexeeya dalka Maraykanka iyo Jamhuuriyada Djibouti, sida lagu sheegay War-saxaafadeedka ka soo baxay taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika, kaas oo sidoo kale tilmaamay in dawladda Maraykanku ay dedaalo ugu jirto sidii kor loogu qaadi lahaa ciidamada amaanka ee dalka Djibouti.

Kulankan labada dhinac ayaa imanaya bilo ka dib markii Ciidamada Maraykanku ay dileen madaxii kooxda dawlada Islaamka la baxday qaybteeda joogta gudaha soalia oo lagu khaarajiyey duqayn cirka ah bishii April ee sanadkan.

Hase yeeshee xarunta gaashaandhiga dalka Maraykanka ayaa qorshaynaya in tiro ciidamada Maraykanka ee la dagaalamka argagixisada Somalia inay dhinto, iyo guud ahaanba Afrika oo saddexda sanadood ee soo socda ay gaadhsiiso 10%.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.