Barafkii Greendland Oo Maalin Kaliya Dhalaalay 40%

Greendland, (HCTV) – Greendland ayay la soo daristay in Barafku uu dhalaalo 40% maalintii shalay, waxaana lagu qiyaasay isugaynta wadarta Baraka dhalaalay in ka badan 2 gigatons (waxaanu halkii gigatonba uu u dhigmaa ama uu la mid yahay 1 billion tons).

Inkastoo Greenland ay tahay jazeerad ay ka buuxaan baraf farabadan, ayaa waxa kor u kacaya xajmiga barafka dhalaalaya intii lagu guda jiray bishan June waxaana xiligan dhalaalka barafka Greendland uu bilaabmay bishan June ilaa bisha August oo uu sii socon doono, waxaana xajmiga ugu badan ee barafkan dhalaalaya la filayaa bisha July ee soo socota.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.