Iran Oo Cusboonaysiisay Joojinta Heshiiskii Nuclear-ka

Dushanbe, (HCTV) – Madaxweynaha dalka Iran Xasan Rooxaani ayaa sheegay inuu joojinayo heshiiskii dhinaca nuclear-ka ee uu la saxeexday quwadaha aduunka, kadib markii sida uu sheegay in aanu heshiiskaasi sii wadi karin dalkiisa oo kaliya, walow dawlada Maraykanka oo iyadu dhinac ahaan ka baxday heshiiskaasi Nuclearka ee lala galay dalka Iran 2015-kii, isla markaana ay xiisad adagi kala dhaxayso wakhti xaadirkan.

Dawlada Iran ayaa waxay joojinaysaa heshiiskaasi bishii May kadib markii ay walaac ka muujisay balankii dhinaca nuclear-kka ee ay la gashay quwadaha aduunka sanadkii 2015-kii, taas oo dawlada Maraykanku ay 2018-kii ka baxday heshiiskaasi, kuna soo rogtay Tehran cunaqabatayo kale.

Madaxweynaha dalka Iran Xasan Rooxaani oo dalka Tajikistan kaga qaybgalaya shir caalamiya ayaa u sheegay Ruushka, Shiinaha iyo hogaamiyeyaasha dalal kale oo Asian ah in Iran aanay sii wadi doonin heshiiskaasi.

Hadalkan ka soo yeedhay Madaxweynaha dalka Iran ayaa ku soo beegmaya xili xiisada kala dhaxaysa dalka Maraykanku ay isa-soo tarayso, kaas oo Maraykanku uu ku eedeeyey maalintii khamiistii in Iran ay lug ku lahayd weerarkii labada markab ee shidaalka siday ee marayey Gacanka Cuman lagu qaaday.

“Waxa lagama maarmaan ah in dhamaan dhinacyadu ay ku taageeraan heshiista sidii dib loogu soo celin lahaa,” ayuu yidhi Madaxweyne Rooxaani, waxaanu intaasi ku daray “Iran waxay u baahan tahay inay aragto ifafaale fiican oo ka yidhaamada kuwii heshiiska la galay ee ay ka midka ahaayeen Ruushka, Shiinaha, Ingiriiska, Faransiiska iyo Jarlamka.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.