Laba Qarax Oo Gilgilay Muqdisho

Muqdisho, (HCTV) – Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ayaa sheegaya in laba qarax ay ka dhaceen goordhaweyd.

Qaraxa koowaad ayaa la sheegay inuu ka dhacay Isgoyska Saydika oo ah Agagaarka xarunta Baarlamaanka Somalia, halka qaraxa labaadna uu ka dhacay jidka kaantaroolka garoonka Aadan Cade ee u dhaw isgoyska lambar Afar, waxaana wararku ay sheegayaan in Qaraxa labaad uu isna usii jeeday halka Qaraxa koowaad ka dhacay, oo ciidamadu ay gaadhiga qaruxu saarnaa su’aalo ku waydiinayeen Isgoyska KM Afar.

Inkasta oo ilaa hadda aan si rasmi ah loo ogayn khasaaraha ka dhashay labadan qarax ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayay wararku intaasi ku darayaan in mid ka mid ah labadan Qarax loo adeegsaday gaadhi nooca loo yaqaan Noohada.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA