Wajeer : 8 Askari oo Weerar Lagu Dilay.

Wajir, (HCTV) – Ku Dhawaad 8 Askari oo ka tirsan Ciidamada Bileyska dalka Kenya ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen kadib markii weerar lagu qaaday, waxaanay wararku ay intaa ku darayaan gaadhigii ay saarnaayeen loogu xidhay walxaha Qaraxa, halkaana ay ku dhinteen sideed askari halka laba ay dhaawac yihiin 3 kalena la la’yahay oo aan raq iyo ruuxtoona aan la hayn.

Dhacdada weerarkan ayaa ka dhacay maanta oo sabti ah meel u dhaxaysa Riba iyo Konton oo ka tirsan bariga Wajeer ee dalka Kenya.

Waxaana ilaa iyo hada soo baxaya warar iskhilaafsan oo dhimashada ku sheegaya 13, balse warbaahinta Capital-FM oo ciidamada bileyska soo xiganaysa ayaa sheegtay in 8 askari ay dhinteen labana dhaawac yihiin saddex kalena la la’yahay.

Ma jirto ilaa iyo hadda koox ama cid sheegatay weerarkaasi lagu qaaday ciidamada Bileyska ee Kenya, balse waxa la tuhunsan yahay kooxda Al-shabaab oo had iyo weeraro ka geysata gobolkaasi.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.