Madaxweynaha Puntland Oo Furay Kal-Fadhiga 44-Aad Ee Golaha Wakiillada

Garoowe, (HCTV) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa furay Kalfadhiga 44-aad ee Gollaha Wakiillada Puntland.

Munaasibadda furitaanka kalfadhigaasi 44aad ayaa waxa Madaxweyanaha Puntland ku wehelinaayey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaana sidoo kale kasoo qeyb-galay masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Madaxweynihii Hore ee Puntland, Ahna xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka dawladda federalka ee Somalia, Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, Madaxda Dhaqanka, wakiillada ururada bulshada rayidka ah, wakiilladda hey’addaha caalamiga ah, Qunsuliyada Dawladda Itoobiya ee Puntland, bahda Saxaafadda iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo si rasmi ah u furay Kal-fadhiga 44-aad ee Baarlamaanka Puntland, waxa uu jeediyey khubad taariikhiya oo uu kaga hadlay arimo badan oo ay ka mid yihiin xaalada iyo geedi socodka maamul goboleedka Puntland ee xiligan.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.