Qaraxyo Ka Dhacay Muqdisho Iyo Al-shabaab Oo Ku Hanjabtay Weerarro Kale

Muqdisho (HCTV) – Laba Qarax oo waaweyn ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya, duhurnimadii Sabtida Maanta.

Qaraxyadan oo geystay khasaare aan weli si rasmi ah loo ogayn ayaa ka koowaad wuxuu ka dhacay oo lala eegtay Koontarool ku yaalla agagaarka Isgoyska Sayidka oo laga ilaaliyo dhismaha baarlamaanka Dawladda Federaalka Soomaaliya, waxaana la sheegay in Qaraxaasi oo sababay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawacba.

Qaraxa labaad ayaa muddo kooban ka dib, waxa lala eegtay Kaantarool laga galo Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in khasaare soo gaadhay Ciidammada Dawladda ee Halkaasi ku sugnaa.

Qaraxyadan oo aan Tiro-koob rasmiya laga haynin khasaaraha ay geysteen ayaa waxa markiiba Masuuliyaddooda sheegatay kooxda Al-shabaab.

Warbaahinta taageerta Al-shabaab soo xiganaysa Sarkaal ka mid ah Kooxdaasi ayaa sheegtay in Qaraxyadani qayb ka yihiin silsilado weeraro ah oo kooxdu doonayso inay ku baa’biiso kaantaroollada Dawladda.

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli ka hadal khasaaraha ka dhashay Qaraxyadan.

HCTV kala soco faahfaahinta Warkan.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka