Abaydin 7-Bilood jirta oo  Madaxeeda Rasaas laga soo Saaray.

Raamalah (HCTV)khubaro caafimaad oo kasoo jeeda dalka Maraykanka, ayaa ku guulaystay Qalliin ay ku sameeyeen gabadh yar oo 7 bilood oo kali ah jirtay oo u dhalatay falastiin, waxaana ay kasoo saareen rasaas ay Madaxa kaga dhufteen ciidanka Israaiil.

sida ay ku warrantay jariidadda AL-Wattan,warsaxaafadeed ay soo saartay wasaaradda caafimaadka ee Falatiin ee fadhigeedu yahay magaalada Raamallah, waxay sheegtay in kooxda dhakhaatiirta Amerikanka ahi inay soo Gabogabeeyeen Qalliin socday saddex usbuuc oo ay ku sameeyeen gabadh abaydin ah oo todoba bilood jirta oo falastiin u dhalatay, taasi oo hadda ku jirta qaybta lagula tacaalo dadka xaaladoodu agad tahay.

gabadhan caruurta ah ayaa dhaawacu soo gaadhay iyadoo ku fadhiga dhabta hooyadeed isla markaana ku sugan gurigooda oo ku yaala tuulada Al-Mazraa.
dhacdadan xanuunka leh ayaa daris la ah kumanaan kale oo falastiiniyiin ah oo la tacaalaya dhaawacyada kasoo gaadhay gulufka ciidan ee israaiil ee halkaasi ka fuliso.

 

HORN CABLE TV

WAAXDA ONLINE-KA