Ciraaq: Mowjado Kulayl Ah Oo Beddelay Hab-nololeedkii Shacabka

Iraaq (HCTV) – Dadweynaha ku dhaqan Dalka Ciraaq ayaa waajahaya Mowjado Kulayl ah oo wax ka beddelay qaabkii Dadku u noolaayeen.

Sida mid ka mid ah Dalalka ugu kulul Dalalka Adduunka oo kala badh dhulkiisu Saxare yahay, Ciraaq dalxiisayaashu ma soo booqdaan Xilliyada Xagaaga.

Laakiin, bisha June celcelis ahaan Maalin walba cabbirka kulaylku waa 48°C, halka uu sanadihii hore ka ahaan jiray 40°C.

Kulaylkani wuxuu keenay in la beddelo Saacadaha Shaqada, waayo? furitaanka Ganacsiga ee Gelinka dambe waxa laga dheefayaa qabow.

Kulaylku wuxuu saameeyay shaqooyinkii Cisbitaallada, sida Cisbitaallada ku yaalla Gobolka Dhiqar ee koonfurta Dalka Ciraaq, sida uu sheegay Madaxa Caafimaadka Maxaliga ah ee deegaankaasi, Abdel Hassan Al Jaberi.

Sidoo kale, Laydhka ayaa dhibaato ku haya Dadka ku dhaqan Magaalooyinka Ciraaq, taasina waxay si gaar ah saamayn ugu yeelatay Cisbitaallada, sida uu mar mar kale sheegayo Abdel Hassan Al Jaberi “Dadku waxay diidayaan inay yimaaddaan Cisbitaalka, waayo? 17 Jeer ayaa Maalintii Laydhku go’ayaa..” ayuu yidhi.

kulaylka iyo Laydhka go’aya ayaa sababay in Dadku alaabooyinkii ay suuqa ka iibsan jireen yareeyaan, maaddaama Qofka khudrad iibsada oo kale aanu ku kalsoonayn inuu helayo laydh uu ku ridqado.

 

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka