Dooni Sidday Alaab U Dhiganta $ 5 Millon Oo Degtay

Dooni Sidday Alaab U Dhiganta $ 5 Millon Oo Degtay

Lamaane Wada Noolaa 71 Sanadood Oo Isku Maalin Geeriyooday
Cabsida Laga Qabo Diyaaradaha (737 Max-8) Oo Sii Kordhaysa
Trump Oo Joojiyey Wadahadaladii Nabada Ee Taliban
Israel Oo Burburisay Guryo Falastiiniyiintu Leeyihiin Oo U Dhawaa Gidaarka Kala Qaybiya
Somalia Oo Loo Fasaxay Lacago Gargaag Oo Dhan $45.7m Oo Somaliland $12m Ka Mid Ah Loo Qoondeeyey

Berbera (HCTV) – Dooni Alaabooyin kala duwan u sidday Ganacsatada Somaliland ayaa ku degtay meel boqol iyo dhowr Mayl u jirta Dekedda Magaalada Berbera, sida uu sheegay Guddoomiyaha Rugta Ganacsigu.

Doontan oo ka soo shiraaqatay Magaalada Dubai ee Dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa degtay markay dabaylo ku kaceen, sida uu sheegay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland, Jamaal Caydiid Ibraahim oo Maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Hargeysa.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Dooni sidday Xoolo Faro badan oo laga leeyahay Somaliland oo laga soo rarray Dubai ayaa degtay, Doontaasi siday u dhamayd waxay u rarnayd Ganacsatada Somaliland.”

Jamaal  Caydiid wuxuu sheegay oo kale “81 Qof oo Shirkado ama Ashkhaas ayay u rarnayd Doontu, qiimaynta xoolahaa ma hayno, laakiin waxa lagu qiyaasi karaa Shan Milyan.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxay degtay iyadoo Berbera ku soo dhaw, sida la sheegayna dabaylo ayaa ku kacay, wayna awoodi wayday inay socoto.”

Alaabta ay sidday ayaa u badnaa Qalabka dhismaha iyo Baabuur “Alaabta ay sidday waxa ka mid ah Baabuur, Qalabka dhismaha, Xadiid, Sibidh, Loox, Isbeer-baadhka Baabuurta..”ayuu yidhi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

COMMENTS

%d bloggers like this: