Xildhibaan Dhakool Oo 38 Maalmood ka dib Helay Xoriyadiisa.

Hargeysa, (HCTV) – Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka tirsan golaha Wakiillada Somaliland oo mudo 38 maalmood ah ku xidhnaa xarunta CID-da Somaliland ayaa maanta xoriyadiisii dib u helay.

Xildhibaanka ayuu xadhigiisu la xidhiidhay kadib markii shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Hargeysa uu ku tilmaamay maalinta dib ula soo noqoshada Madaxbanaanida Somaliland ee 18-ka May maalin Madow oo beelaha dega Somaliland aany u dhamayn.

Qabashada Xildhibaan Dhakool ka dib oo maxkamada gobolka Maroodi-jeex la hor geeyey ay diiday inay dacwadiisa gudo gasho maadaama oo uu huwan yahay xasaanada xildhibaan nimo, waxaana sidoo kale Golaha Baarlamaanka Somaliland uu diiday inuu xasaanada ka qaado xildhibaanka.

Garyaqaan, Guuleed Axmed Dafac oo ka mid ah dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadamaha, horena u ahaa Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland ayaa wax wanaagsan ku tilmaamay in Md Dhakool uu xoriyadiisa dib u helo, waxaanu sheegay in xadhigiisu uu ahaa mid qariib ku ah Somaliland oo qayrul distoori ah ee uu ku arko Somaliland, sida Mr Dafac uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitter-ka.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.