Iran Oo Kordhinaysa Tayaynta Heerka Macdanta Ay U Adeegsanayso Nuclear-ka

Tehran, (HCTV) – Afhayeen u hadlay hay’ada Nuclear-ka dalka Iran ayaa sheegay in Iran ay kordhinayso tayaynta heerka macdanta uranium-ta ee loo adeegsado hubka wax baabiiya ee Nuclearka, isla markaana uu dalkiisu mudooyinkii u dambeeyey uu dadajiyey tayaynta macdantaasi.

Hadalkan ka soo yeedhay Afhayeenka hay’adda Nuclear-ka ee dalka Iran ninka la yidhaa Behrouz Kamalvandi ayaa soo beegmaya xili ay xiisad adagi ka taagantahay gacanka Persianka oo u dhaxaysa dalka Maraykanka iyo Iran.

Waxaanu sheegay afhayeenka u hadlay hay’adda Nuclearka dalka Iran in ay kordhinta macdantaasi ay ka bilaabeen 3.67% taas oo ay hoos u dhigtay heshiiskii ay wada galeen 2015-kii Iran iyo dawladaha aduunka ee awooda leh, wakhti xaadirkana ay u baahdeen inay talaabadaasi ay ku kordhinayaan tayaynta uranium-ta inay qaadaan.

Mr Behrouz Kamalvandi oo ah Afhayeenka hay’adda Nuclear-ka ee dalka Iran ayaa sidaasi ku sheegay mar uu warbaahinta dalkiisa uu la hadlayey.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.