Daanyeer lagu Eedeeyay inuu Liqay Lacag Malaayiin ah, Maalmihii Ciidda.

KANO.NIGERIA (HCTV) Sarkaal Madax ka ah Xafiis Maaaliyadeed, oo ku yaalla Xarun dalxiis oo xayawaanka lagu xanaaneeyo oo ku taala Magaalada kano ee dalka Nigeira ayaa sheegay inay waayeen lacag badan isla markaana daayeerka Goriilaha loo yaqaano uu liqay lacag badan oo xaddigeeda lagu sheegay N6.8 milyan oo shilinka Nigeria ah.

isagoo la hadlayay idaacadda Gobolkaasi oo lagu magcaabo Freedom Radio waxaa uu yidhi ” Goriille, ayaa u dhacay xafiiskii lacagtu taalay waxaana uu liqay lacagtii goobta taalay”

lacagta la waayay ayaa ahayd dakhli kasoo Xerooday debaal degga maalmihii ciidda fidriga oo dad badani ay xaruntaasi usoo dalxiis tageen.

Agaasimaha Xunta xayawaanka lagu xanaaneeyo Mr.Umar Kobo, ayaa xaqiijiyay in lacagtaasi ay maqan tahay Baadhintaanna uu socdo.

“Arrinta waa la baadhayaa, sidaas awgeed ma rabo inaan ka hadlo, wariyeyaal badan ayaa ii yimi oo arrintan i waydiinaya balse waxa kaliya ee aan idiin xaqiijin karo waa in lacagtaasi ay maqan tahay” ayuu yidhi Umar Kobo.

BBC-da ayaa tabisay in 10 qof oo ay ku jiraan shaqaalihii xarunta joogay markii lacagta la waayay ay ciidamadu xabsiga u taxaabeen.

Booliska Nigeria ayaa sheegay inay kala caddaynayaan in Daanyeerku liqay lacataasi malaayiinta ah in laga been abuurayo oo ay lacagta la baxeen shaqaaluhu.

 

HORN CABLE TV 

WAAXDA ONLINE-KA