” Hogaan Xumo ayaa Haysata Dalalka Carabta” Amiirka Dubia.

Sheikh Mohammed bin Rashid, Vice President, Prime Minister and Ruler of Dubai, said the Arab world requires stronger leadership. Chris Whiteoak / The National

DUBIA (HCTV)Sheikh Mohammed bin Rashid, oo ah Madaxwayne ku xigeenka Imaaraadka ahna Amiirka imaaradda Dubia, ayaa walaac ka muujiyay maamul xumo uu sheegay inay ka jirto dhulka qaniga ah ee dalalka Carabta.

warbixin uu daabacay wargeyska the National ee imaaraadka kasoo baxa  ayaa lagu sheegay in Amiirka Dubia, uu Tilmaamay in Tayo Xumo ka muuqato hogaamiyeyaasha dalalka Carabta, kuwaasi oo aan awood u lahayn inay maamulaan Qaran Xoog leh.

” Ma jir dhibaato dhibaato inaga haysata dhinaca tamarta, mar jirto dhibaato ka taagan dhinacyada caafimaadka iyo waxbarashada…balse waxaa dalalkeena carbeed haystaa waa dhibaato maamul xumo” ayuu yidhi Amiirka Dubia.

” waxaynu nahay Dad leh khayraad badan, sidoo kalena leh adkaysi, laakiin waxaynu la’nahay kuwii si fiican u maamuli lahaa khayraadkaasi oo leh Cilmi ku filan sida loo dhiso Qaran Xooggan” ayuu ku daray hadalkiisa.

Maaha markii u horaysay ee madaxwayne ku xigeenka imaaraadku uu dhaliilo,nidaamka dalalka carabta, bale xagaagii hore ayuu sidan oo kale waxaa uu duray hogaamiyeyaasha qaybo ka mid ah dalalka carbeed isagoo yidhi.

“waxaa jira Siyaasiyiin faro badan balse way yar yihiin maamuleyaal fiican”
Maamulka dalalka carabta ee bariga dhexe oo imaaraadku ka mid yahay ayaa u badan boqortooyo iyo kalitalisyo xukunka hayay tobanaan sano.

 

HORN CABLE TV 

WAAXDA ONLINE-KA