Dagaalame Al-Shabaab ka Goostay oo Is Dhiibay.

DIINSOOR (HCTV) Mid ka mid ah Askarta ururka Al-Shabaab ayaa isu dhiibay Ciidanka dawladda Soomaaliya ee ku sugan Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Dagaalamaha soo goostay oo la sheegay inuu Sagaal Sanadood ururka u dagaalamayay ayaa lagu magcaabaa Ibraahim Manuur Cusmaan ayaa isku soo dhiibey Maamulka Degmada Diinsoor, sida ay ku warrantay  wakaaladda wararka  dawladda Soomaaliya ee Sonna.

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Maamulka Koonfur Galbeed Shiine Mayow Aadan iyo Guddoomiyaha degmada Diinsoor Ibraahim Maxamed Nuur Shig-shigow ayaa si wadajir ah u sheegay in xiriir uu la soo sameeyay Horjoogahan,islamarkaana ay soo dhoweeyeen.

HORN CABLE TV

WAAXDA ONLINE-KA