DEG-DEG: Booliska Somaliland Oo La Wareegay Xarumaha Telefiishanno Madax-bannaan

Hargeysa (HCTV) – Ciidamada Booliska ee Somaliland ayaa la wareegay Xarumaha ay Telefiishannada Horyaal Iyo Eryal ku leeyihiin Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.

Maamulka labada Telefiishan ayaa HCTV u xaqiijiyey in Ciidamada Boolisku la wareegeen Xarumahooda Hargeysa Saaka.

Illaa hadda lama oga ujeeddada rasmiga ah ee Xukuumaddu tallaabadan u qaaday.

Waa markii koowaad ee Xukuumadda cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi Hoggaaminayaa la wareegto Xarumaha Telefiishano Madax-bannaan, laakiin waxay sannadkan gudihiisa xayiraad ku soo rogtay Wargeyska Madax-bannaan ee Foore, halka Xukuumaddii horena dhowr Wargeys xayiraad saartay, sida Haatuf iyo kuwo kale.

HCTV kala soco Wixii Warkan ku soo kordha

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka