“Uma Soco Saami-Qaybsi, Laakiin Maalintay Saami-Qaybsi Noqoto..” Wasiirka Beeraha

Boorama (HCTV) – Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), isla-markaana ay ka mid yihiin Wasiirrada Wasaaradaha Beeraha Md. Axmed Muumin Seed iyo Wasiirka Ganacsiga ayaa Maanta Socdaal shaqo ku tagay Magaalaga Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal.

Weftigan ayaa waxa deegaanka Gorayo-Cawl ee Bariga Magaalada Boorama kaga hor-tagay, si wanaagsan u soo dhaweeyay Maamulka Gobolka Awdal iyo ka degmada Boorama.

Soo dhaweynta ka dib, waxa ujeeddada socdaalkooda ka war-bixiyey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Muumin Seed, waxaanu yidhi “Intii doorashada ka dambaysay la isma waraysan, markaa waxaanu u nimid inaanu Bulshada Waraysano..”

Wasiirku wuxuu beeniyey inay u socdaan Arrimo la xidhiidha Saami-qaybsiga “Maanta uma socono Saami-qaybsi, laakiin Maalinta Saami-qaybsi yimaaddana gobolku wuxuu leeyahay siyaasiyiin uu Madaxweyne ku-xigeenku u sarreeyo, markaa Maalintaas waanu ka jawaabi doonaa haddii Allaah yidhaahdo..” ayuu yidhi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka