Taariikh-nololeedkii Abwaan SANGUB Oo Ku Geeriyooday Itoobiya

Addis Ababa (HCTV) – Allaah ha u naxariistee waxa Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya ku Geeriyooday Abwaan Maxamuud Cabdullahi Ciise (Sangub).

Abwaanka oo Xaalad Caafimaad-darro u yaallay Cisbitaal ku yaalla Magaalada Addis Ababa, ayaa Maanta halkaasi ku Geeriyooday, sida loo xaqiijiyey Telefiishanka HCTV.

Taariikhda Abwaan Marxuum Sangub

Maxamuud Cabdillaahi Ciise (Sangub), wuxuu ku dhashay baadiyaha Magaalada Dhagax-buur ee dhulka Is-maamulka Soomaalida Itoobiya, sannadkii 1944, halkaas oo uu ku barbaaray.

Sangub markii da’diisu shan jir gaadhay ayuu ku bilaabmay u hilowga fanku. Dhalinyaranimadiisii, wuxuu ku soo caan baxay ciyaaraha dhaqanka, gaar ahaan ciyaarta “Dhaantada”.

Ka sakow, dhinaca Ciyaaraha dhaqanka, Sangub wuxuu ahaa gabayaa ka hido-raacaya Qoysas kala duwan oo wada gabya, sida Aabihii, Abtiyaashii iyo Walaalihii. 

Sangub, markii uu barbaar noqday ayuu ayuu yimi magaalada Hargeysa, sannadkii 1961, wuxuuna tegay Idaacadda Raadiyow Hargeysa, halkaas oo imtixaan lagaga qaaday, Sangub isaga oo ka hadlaya sidii wax u dhaceen, ayuu yidhi: “Naxariistii Jano ilaahay ha siiyee, Ninkii la odhan jiray Huryo, ayaa yidhi; ‘Inankan haddii aad loo reer magaaleeyo, wax buu samayn karaa, markaa waa in la qaataa’.” Xaajji Cabdi Ayuub oo madax ka ahaa Raadiyow Hargeysa, ayaa codsigii ka ogolaaday, sidaana wuxuu kaga hawl-galay Raadiyaha oo uu ka qaban jiray, shaqo aan rasmi ahayn. “Sidaa darteed, Huryo ayaa sabab u ahaa in aan dhulkii ka imaado oo aan Fanka Soomaalida ku soo biiro,” ayuu yidhi Sangub oo ka hadlayay cidii gacanta ku siisay inuu ku dhiirado, kana qayb-qaato Fanka.

Ka dib markii uu ka helay shaqo-aan-rasmi ahayn magaalada Hargaysa ayuu waxa uu u wareegay magaalada Muqdisho sannadkii 1961, halkaas oo uu imtixaan u u galay, isaga iyo 21 qof oo kale halkaasna uu isagu dhinaca gabayga uu ku guulaystay, sidaas ayuuna kaga shaqo galay Idaacadda Muqdisho.

 Qaar Ka Mid Ah Riwaayadihii uu sameeyay 

  1. Naga Guur
  2. Lamood noqonse wayday.
  3. Yaxaas dhega-duub
  4. Qabrigii Jacaylka.
  5. Xuudbaa liqay Jacaylkii
  6. Xuskii Jacaylka,
  7. Xoriyo nin geyaa ha guursado.
  8. Gari ma kaa baxdaa
  9. isuma qado

 

Cabdiqaadir A. Carab

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka