Nin Xadhig Ku Mutaystay Muuqaal Uu Dadka Internet-ka Kula Wadaagay (Share)

New Zealand (HCTV) – Maxkamad ku yaalla Dalka New Zealand ayaa laba sanadood oo xadhig ah ku xukuntay Ganacsade u dhashay dalkaasi.

Ninkan ayaa lagu eedeeyay inuu ka qayb-qaatay xasuuqii uu 51-ka Qof ee Muslimiinta loogu geystay Magaalada Christchurch oo Laba Masaajid oo ku yaalla ay Maalin Jimce ah ku cibaadaysanayeen, ka dib markii uu Sheer-gareeyay ama sii qaybiyey Muuqaalka Ninkii weerarkaa fuliyey oo Dadka Rasaas la dhacaya 15-kii March ee sannadkan.

Philip Arps oo da’diisu 44 jir tahay ayaa lagu xukumay 2 sanadood oo Xadhig ah, ka dib markii Salaasada Maanta la dhegaystay Dacwadda loo haystay oo uu markii dambe qirtay inuu qabo dambiga ah inuu sii faafiyey Muuqaalka Dadka Masaajiddada Christchurch ku cibaadaysanayey, ka dib markii uu falkaa foosha xun si Toos ah u soo geliyey Internet-ka ninkii weerarka geystay.

Dawladda New Zealand way mabnuucday in Internet-ka lagu faafiyo Muuqaalka uu iska duubay Ninka Dadka ku laayey Masaajiddada Magaalada Christchurch, waxaana Qofka Sheer-gareeya uu mutaysan karaa 14 Sanadood oo xadhig ah.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka