Hogaamiyaha Jarmalka Oo Gariirtay Iyo Sababta Oo La Ogaaday

Berlin, (HCTV) – Hogaamiyaha dalka Jarmalka Angela Merkel ayay la soo daristay gariir ama jarayn xili ay la taagnayd hogaamiyaha cusub ee dalka Ukraine maanta oo salaasa ah, oo cadceedu ay aad u kululayd magaalada Berlin, waxaanay sheegtay inay gariirkeeda sababtay maadaama oo ay haraaday.

Waxaana la arkayey Merkel oo jidhkeedu gariirayo ama ruxmayo, waxaanay la hadashay Madaxweynaha dalka Ukrain Volodymyr Zelenskiy oo barbar taagnaa, cimilada jarmalka ayaa aad u kulalayd xiligaasi, halka kooxda Musikada Ciidamaduna ay tumayeen Heesta Qaranka ee dalkaasi.

Balse Markel oo bishan soo socota noqonaysa 65 jir, ayaa u muuqatay inay caadi soo noqotay oo rooga cas la martay Madaxweynaha Ukraine Zelenskiy. Ku dhawaad saacad kadib, Angela Merkel oo dhoolacadaynaysa ama qoslaysa markii ay wariyeyaashu waydiiyeen in gariirkeeda ay keentay walaac haystay iyada, ayaa waxay ku jawaabtay, “Tan iyo intii aan soo cabay ugu yaraan saddex koob oo biyo ah, oo aan aad ugu baahnaa, hada aad baan u fiicanahay,” ayay tidhi Angela Merkel oo dhoolacadaynaysa  oo barbar taagan Zelenskiy.

Sida ay sheegayso wakaalada wararka ee DPA oo HCTV soo xigtay, ayaa tilmaantay in arintani aanay ahayn markii ugu horaysay ee la arko Marwo Merkel oo gariiraysa marka ay cadceedu aadka u kulushahay, inkastoo aanay sheegin wakhtigii sidan oo kale ay dhacday, ayaa hadana tilmaamay in arintaasi ay Merkel u sibir saarto biyo ay u baahato.

Balse sanadkii 2014, ayay Angela Merkel ay baajisay Waraysi ay siin lahayd Telefishan, oo daqiiqadii u dambaysay agu waramay inay daalantahay, balse Afhayeen u hadlay ayaa sheegay inay awoodo inay sii wadato markii ay wax cuntay waxna cabtay.

Dalka Jarmalka ayaa aad loo adkeeyey sharciga arimaha gaarka ah ee qofka eek u saabsan macluumaadka caafimaadka, si cadna looma oga hadii Merkel oo dalka Jarmalka hogaaminaysay tan iyo 2005-tii ay daris la tahay dhibaatooyin jidheed.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.