Qadar Airways Oo Markii 5-Aad La Aqoonsaday

Qatar Airways

Doxa, (HCTV) – Diyaarada Qatar Airways ayaa ku soo noqotay kaalinta ugu saraysa ee noocyada diyaaradaha ugu wanaagsan aduunka, taas oo ku guulaysatay in  sanadkan loo aqoonsado diyaarada ugu fiican ee lagu abaal mariyo abaalmarinta sadkan 2019 ee Skytrax World Airline Awards.

Sanadkii u dambeeyey ee 2018-ka diyaaradaha aduunka ayaa tartan xoogle kala kulmay Singapore Airlines oo kaalinta koowaad gashay, balse sanadkan 2019-ka Qatar Airways ayaa u dabaal dagaysa markii shanaad inay qabsatay hogaanka abaalmarinta muhiimka ah, waxaana afartii jeer ee hore ee ay ku guulaysatay ay kala ahaayeen 2017, 2015, 2012 and 2011.

Shirkadda Diyaaradaha ee Qatar Airways ayaa sidoo kale ku guulaysatay Abaalmarino ay ka mid yihiin Heerarka ugu wanaagsan ee diyaaradaha, iyo Kuraasida ugu wanaagsan ee aduunka. Iyo Diyaarada ugu wanaagsan Bariga Dhexe oo dhan.

 

Balse diyaarada Singapore Airlines – oo qaadideeda rakaabka u tartamaysa duulimaadka ugu dheer aduunka ayaa soo qashay kaalinta saddexaad balse waxay ku guulaysatay abaal marino ay ku jiraan Shaqaalaha Diyaaradaha ee ugu wanaagsan aduunka, Heerka Koowaad ee ugu wanaagsan Aduunka ee laga fadhiisto diyaarada, iyo Diyaarada ugu wanaagsan Asia.

Dhinaca kale marka laga eegayo kharashaadka safarka diyaaradaha ayaa diyaarada AirAsia ay ku guulaysatay diyaarada ugu wanaagsan aduunka ee ugu kharashka jaban diyaaradahan iyo Japan Airlines oo iyaduna ku guulaysatay Heerka dhaqaalaha iyo Heerka kuraasida looga fadhiisto diyaarada ee ugu fiican.

Hase yeeshee diyaaradan Qatar Airways ee kaalinta koowaad gashay sanadkan 2019-ka ee noqotay diyaarada ugu wanaagsan ayaa Agaasimaheeda guud oo la yidhaa Akbar Al Baker waxa uu yidhi “Waxaan aad ugu faraxsanahay wakhti xaadirkan in diyaaradayadu ay tahay ta sii wada adeegyada heerka sare ah ee casriga ah” ayuu yidh Agaasimaha Shirkadda Qatar Airways Group CEO Akbar Al Baker.

Tobanka Diyaaradood ee Ugu Wanaagsan Aduunka 2019-ka: (World’s Best Airlines for 2019)

  1. Qatar Airways
  2. Singapore Airlines
  3. ANA All Nippon Airways
  4. Cathay Pacific
  5. Emirates
  6. EVA Air
  7. Hainan Airlines
  8. Qantas Airways
  9. Lufthansa
  10. Thai Airways

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.