Qaramada Midoobay Oo Ku Baaqday In La Baadho Dhimashada Maxamed Mursi

Qaahira, (HCTV) – Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in baadhis madaxbanaan lagu sameeyo dhimashada Maxamed Mursi oo ahaa Madaxweynihii ugu horeeyey ee doorasho xor ah ku yimaada dalka Masar.

Dhawaaqan ka soo yeedhay Qaramada Midoobay ayaa imanaya maalin ka dib markii kumanaan qof oo ku nool Bariga dhexe ay u baroor diiqeen Geerida Madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Mursi.

Kooxda Xuquuqda Aadamaha u qaabilsan qaramada midoobay ayaa ku baaqday in dhamaan dib loo eego dawooyinkii uu qaadan jiray Maxamed Mursi lixdii sanadood ee uu xabisnaa.

Madaxweynihii hore ee sida dimuqraadiga ah loo soo doortay ayaa loo sameeyey aas ay ka soo qaybgaleen qoyskiisa oo kaliya maalin ka dib markii uu wadna xanuun uu ugu geeriyooday maxkamada gudaheeda, sida uu sheegay wiilka uu dhalay.

“Walaaca xaalada ayaa isa soo taraya eek u saabsanaa xadhiga Mr Mursi, oo ay ku saabsan tahay inuu heli jiray daryeel dawo oo dhamaystiran iyo sidoo kale in loo ogolaan jiray qoyskiisa iyo qareenkiisa…..” sidaasi waxa yidhi Rupert Colville oo Afhayeen Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Xuquuqda Aadamaha oo war-saxaafadeed soo saaray.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.