Kolonyo Galbinaysay Boqor William Iyo Xaaskiisa Oo Jiidhay Haweenay 83 Jir Ah

London, (HCTV) – Boqorka iyo Boqorada dalka Ingiriiska ee Boqor William iyo Kate ayaa maalintii isniintii oo ay ka safrayeen magaalada London iyagoo u socday Windsor waxa kolanyadii siday ay la kulmeen shil.

Waxaana mid ka mid ah Gaadiidkii galbinayey qoyskan boqorka iyo boqorada dalka Ingiriiska ay jiidheen haweenay da’deeda lagu sheegay 83 jir, taas oo la cadeeyey in magaceeda la yidhaa Irene Mayor oo dhaawac xuni uu soo gaadhay Koonfurgalbeed magaalada London waxaana loo qaaday cusbitaalka iyadoo xaaladeedu daran tahay.

Afhayeen u hadlay Qasriga reer boqor ayaa warbaahinta u sheegay in Qoyska sare ee reer boqor ay aad uga xunyihiin xaalada murugada leh ee shilkaa la soo darsay qoyska ee haweenaydaasi ay ku waxyeelowday.

“Qoyska sare ee waxa ay u rajaynayaan Irene iyo qoyskeeda wanaag, waxaananu nahay garabkeeda heer kasta oo ay marayso iyo siday uga soo kaban lahaydm,” ayuu yidhi Afhayeenka u hadlay qasriga reer boqor.

Sidoo kale Warbaahinta dalka Ingiriiska ee The Sun ayaa ku waramaya in ciidamada Bileyska ee dalka Ingiriisku ay gacan ka geysteen markii shilkaasi ay la kulmeen Boqor William iyo haweenaydiisa Kate.

Hase yeeshee gabadh ay dhashay haweenayda shilku ku dhacay oo la yidhaa Fiona ayaa u sheegtay wargeyska in hooyadeed ay dhaawacyo badan qabto, inkastoo aanay sii qeexin, waxaana sidoo kale ay ciidamada bileyska ee Britain ay ku hawlan yihiin baadhista shilkaasi.

“Baadhistu wali waxay ku jirtaa marxaladihii hore iyo in la qiimeeyo cida lugta ku ahayd iyo cidii arkaysay ee markhaatiga ka ahayd,” sidaasi waxa yidhi Afhayeen u hadlay bileyska IOPC, oo la hadlayey warbaahinta BBC-da.

Waxaana qoyska Sare ee gaadiidkii ay ku safrayeen uu shilkan geystay ay Ubaxyo u direen haweenaydsaasi da’da ah ee Carmasha ah.

Shilkan ayaa ku soo beegmaya dhawr bilood ka dib markii haweenay kale ay ku dhaawacantay shil uu ku lug lahaa Boqor Philip meel u dhow Sandringham Estate.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA