Daroogo 1 Bilyan oo Doolar ah oo Caganta lagu dhigay.

Philadelphia, (HCTV) – Ciidamada bileyska ee Federalka dalka Maraykanka ayaa qabtay shixnad 16.5 tons oo maandooriyaha Cocaine-ta loo yaqaano ah oo qiimaheeda lagu sheegay $ 1 BILLION dollar oo ka soo degtay Philadelphia taas oo ka timid Europe.

Maandooriyahan ayaa lagu qabtay koontiinar cargo ahaa oo soo gaadhay dekeda, waxaana ciidamada bileysku ay maalintii isniintii inta aanay soo gaadhin shixnadani ay fariin tlefoon ka heleen Colombia.

Waxaana taariikhda meelaha uu soo maray markabkani oo ku gooshayey calanka Liberia uu soo maray Peru, Panama iyo Bahamas sida uu muujinayo diiwaanka markabku.

Waxaana xabsiga loo dhaadhiciyey shaqaalihii markabka saarnaa, baadhistuna way socotaa sida uu sheegayo Xeer-ilaaliyaha gobolka Pennsylvania ee dalka Maraykanka.

Waxaana mukhaadaraadka maandooriyahani ay ka mid tahay xadi farabadan oo mudooyinkii u dambeeyey ka soo galayey xeebta bari ee dalka Maraykanka.

Sidoo kale waxay ahayd bishii February, markii ay dawladu ay qabatay 3,200 xudhmo oo ka soo dagay dekedaha New Yor iyo New Jersey taas oo lagu qiimeeyey inay dhamays $77 million oo dollar, waxaanay noqonaysaa tii ugu badnayd ee halkaasi ka soo degta tan iyo 1994-kii.

Dadka u dhuunta daloola arimahan ayaa sheegaya in Cocaine-tan laga soo galiyo dalka Colombia isla markaana talaabooyinka lagu cidhib tirayo uu hoos u dhac ku dhacay.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.