Magaalo aanay Cadceedu dhicin 69 Maalmood oo Joojinaysa Tirsiga Waqtiga Caalamiga ah.

Sommarøy1_Photographer Jøran Mikkelsen

Summaroy (HCTV)jasiirad xilliga xagaaga loo dalxiis tago oo ku Taalla
waddanka Norway, oo lagu magcaabo Sammaroy,  ayaa dadka halkaasi ku nooli waxay Doonayaan inay iska dhaafaan tirsiga wakhtiga Caalamiga ah.

MAALIN DHEER.

Magaaladan Jasiiradda ah oo ku taalla Cidhifka waqooyi ee dunida ayaa Sanad walba
waxaa soo mara 69 Maalmood oo xidhiidh ah oo aanay qorraxdu libdhin.
waana inta u dhaxaysa 18-ka May ilaa July 26-keeda (69 maalmood).

dadka deegaankan ayaa sidoo kale sanad walba waxay arkaan habeen dheer oo inta u
dhaxaysa bilaha November ilaa January oo aan mar qudha aanay arkin nuurka
cadceedda.

sidaasi darteed dadka deegaanku waxay bilaabeen olale ay kaga tashanayaan ku
dhaqanka tirsiga wakhtiga caalamiga ah maadaama ay jirto duruufo gaar ah oo aanay
dunidu aanay la qabin.

Town hall meeting

MEEL KA CAAGGAN WAKHTIGA.

Shacabka jasiiradani ayaa isugu yimi xarunta kulanka ee magaalada si ay u saxiixaan
olalaha ay arrintani ku doonayaan waxaana loo gudbiyay xildhibaanada baarlamanka ee
halkaasi lagasoo doorto si ay u hubiyaan waxa uu sharcigu ka qabo baarlamankana loo
horgeeyo rabitaanka shacabkan doonaya inay magaaladani ahaato meel ka caaggan Tirsiga wakhtiga Caalamiga ah.

“waxaa jira maalin dheer oo xidhiidh ah, balse waxaanu ula dhaqanna sida ay tahay”
sidaas waxaa yidhi Kjell Ove Hveding oo ka mid ah dadka ku nool jasiiradda xagaaga
ee waqooyi kaga beegan magaalada Tromso.

” habeen badhka marka ay noobiyadda magaaladu  dhawaaqdo ‘2. A.m’ waxaad u
qorshaysan kartaa xiliga caruurtu ciyaarto ama dabaasha u baxdo. waxaa kale oo loo
qorshaysan karaa shaqooyinka caadiga ha ee dadka deegaanku ay qabtaan inkasta oo
mugdiga habeenku jiro” ayuu yidhi Hvedingl.

” Qaar badan oo naga Mid ah, waxay qoraalkan u samaynayaan inay sharciyeeyaan arrin
ay ku soo dhaqmayeen jiilal kala duwan” ayuu sii raaciyay hadalkiisa

dadwaynaha jasiiraddani oo tiradoodu ay dhan tahay 300 oo qof, ayaa rajaynaya in ay
heli sharci u ogolaanaya inay iska dhaafaan isticmaalka saacadaha uu aduunku
tirsado

Watches on bridge2_Photographer Jøran Mikkelsen.jpgPerson behind the initiative Kjell Ove Hveding

ISKA ILAW SAACADDA.

inta badan magaalooyinka Marka lasoo galayo waxaa suuro gal ah inaad ku aragto
calaamado ama qoraallo soo dhawayn ah balse jidka laga galo jasiiraddani waxaa ku
Taalla Buundo ama biriij ay ku xidhan yihiin saacado badan taasoo Micnaheedu yahay
“iska ilaw inaad ku tirsiga saacadaha”.

 

HORN CABLE TV.

WAAXDA ONLINE-KA.