Qaramada Midoobay oo War Cusub kasoo Saartay Dilkii Jamaal Khashooqji.

New York (HCTV) Warbixin ay soo saareen khubaro Qaramada Midoobay ka tirsan oo baadhitaan gaar ah ku sameeyay Dilka Wariyihii Sucuudiga u dhashay Jamaal Khashooqji,  ayaa lagu sheegay in dhaxal Sugaha dalka sucuudigu uu ka dambeeya dilkiisa.

“Waxaa jira cadaymo dhab ah oo muujinaya in dhaxal sugaha sucuudiga Maxamed Bin Salmaan iyo saraakiil sare oo kale ay Masuul ka yihiin Dilkii Jamaal khashooqji” Sidaasi waxaa yidhi Agnes Callamard, oo soo bandhigay warbixinta Khubarada Qaramada Midoobay ee Sameeyay Baadhitaanka madaxabanaan ee gaarka ah.

Masuuliyiinta dawladda Sucuudiga ayaa iska fogeeyay dilka wariyaha basle waxay sheegeen in si khaladan ay u dileen xubno ka tirsan sirdoonkooda oo maxkamad qarsoodi ah lasoo taagay, qaarkoodna lagu xukumay dil toogasho ah .
balse qaramada midoobay ayaa ku eedaysay dawladda sucuudiga in aan lagu kalsoonaan karin xukunka maxkamaddaasi dilka xukuntay maadaama aan loola socon si daahfuran waxaana ay ugu baaqday in sucuudigu hakiyo fulinta xukunkaasi dilka ah.

HORN CABLE TV.

WAAXDA ONLINE-KA