Hindiya oo Shaacisay Tallaabo ka dhan ah Dr. Zakir Naik.

Hindiya (HCTV)Maxkamad ku taala dalka Hindiya ayaa wakhti kama dambays ah u qabatay sheekh caanka ah Dr.Zakir Naik, inuu Maxkamadda hor yimaaddo ugu dambayn 31 July .

Maxkamadda ayaa sheegtay hadii Dr.Zakir iman waayo maxkamadda inay u jari doonto waaran lagu soo xidhayo oo aan Damaanad lahayn.

sida uu daabacay wargayska Times of India, Sheekhani saamaynta badan ku leh caalamka islaamka ayaa  lagu eedaynayaa xadgudubyo dhaqaale oo ay ka mid yihiin lacagto badan oo la waydiinayo halka ay kasoo galeen.

Dawladda hindiya ayaa ku hanjabtay hadii sheekhu iman waayo maxkamadda in warqadda xadhiggiisa loo diri doono Booliska Caalamiga ah ee Interpol si ay uga soo qabtaan halka uu joogo.

Dr. Zakir, oo caan ku ah faafinta diinta islaamka ayaa markii u dambaysay ku sugnaa dalka Malaysia halkaasi oo uu ka helay Degenaansho Rasmi ah sanadkii 2015-kii.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka hindiya ayaa sheegtay inay Malaysia si rasmi ah uga dalbatay in loo soo dhiibo Sheekhan si loo horgeeyo Caddaaladda Hindiya.

 

HORN CABLE TV

WAAXDA ONLINE-KA