Turkiga Oo Loo Cunaqabataynayo Hub Uu Ruushka Ka Iibsaday Darteed

USA (HCTV) – Maamulka Madaxweyne Doland Trump ayaa doonaya inuu Cunaqabayn ku soo rogo Dawladda Turkiga.

Cunaqabayntanaha oo lagu sheegay inay noqon doonaan Saddex nooc oo mar keliya lagu soo rogayo ayaa waxa la doonayaa in Ciqaab looga dhigo Turkiga, ka dib markii Hubka Culus ee loo yaqaano S-400 ka iibsaday Ruushka oo ay Maraykanka is hayaan isla-markaana laftiisa uu Maraykanku Cunaqabayn ku soo rogay.

Sida laga soo xogtay Dadka xidhiidh la leh arrimahan, Cunaqabataymaha Maraykanku doonayo inuu ku soo rogo Turkiga ayaa waxa ka shiray isla-markaana Golaha Amaanka Maraykanka, laakiin Warku wuxuu intaa ku daray in Cunaqabaymaha lala damacsan yahay Turkiga uu goor horeba saameeyay Turkiga, sida Dhaqaalihiisa oo hoos u dhacay.

Lacagta Iira ee Turkiga ayaa Arbacadii 0.6% dollarka ka hoos martay qiimahii ay ahayd Arbacadii ka hor.

Warku wuxuu intaa ku daray in Maraykanku qorshaynayo inuu Cunaqabaynta uu Turkiga ku soo rogayo dhaqan-gelinayo horraanta bisha Julay ee sannadkan.

Maraykanka oo ay Turkiga ku wada jiraan Xulafada NATO, ayaa dhawaan joojiyey Diyaaradaha dagaalka ee Jet-ka loo yaqaano, ka ka dib markii Turkigu uu Rusia ka iibsaday Gantaalaha S-400, arrintaasi oo Maraykanku ka cadhooday.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka