Baarlamaanka Carabta Oo Bayaan Ka Soo Saaray Muranka Badda Ee Kenya & Soomaaliya

Qaahira (HCTV) – Baarlamaanka Dalalka carabta ayaa ka hadlay Muranka Dhanka badda ee xilligan u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Dawladda Kenya ayaa sheeganaysa qayb ka mid ah Badda u dhaxaysa Soomaaliya, taasi ku jirta khariiradda Dalka Soomaaliya, arrintaasina waxay keentay in Maxkamadda Adduunka loo gudbiyo Dacwad arrintaasi la xidhiidha, laakiin illaa hadda Maxkamaddu go’aan kama soo saarin, inkasta oo Kenya dhowr jeer dalbatay in arrinta ay wada-hadal ku dhameeyaan labada Dawladood ee Soomaaliya iyo Kenya.

Laakiin, Bayaan ka soo baxay Baarlamaanka Dalalka Carabta oo Soomaaliya xubin ka tahay ayaa sheegashada Kenya ku tilmaamay mid gar-darro ah.

“Baarlamaanka Carbeed, wuxuu ugu baaqayaa Kenya in ay faraha kala baxdo biyo-goboleedka Soomaaliya, oo ah qeyb aan ka go’ayn biyaha Carbeed oo lama taabtaan ah..” ayaa lagu sheegay bayaanka ka soo baxay Baarlamaanka dalalka Carabta, kaasi oo intaa ku daray in Dalalka Carabtu garab taagan yihiin Soomaaliya “Baarlamaanka Carbeed waxa uu taageerayaa Jamhuuriyadda Soomaaliya si loo dhowro dhulkeeda, Beri, Bad iyo Cir..”

Baarlamaanku wuxuu been ku tilmaamay sheegashada Kenya ee Biyaha Badda “Waxa uu ku gacan saydhayaa sheegashada beenta ah ee ah calaamadeyn cusub oo raad lahayn..”ayaa lagu sheegay Bayaanka ka soo baxay Baarlamaanka Dalalka Carabta, kaasi oo sidoo kale ku baaqay in Dalalka Carabtu garab istaagaan Soomaaliya.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka