Uganda: 70-Jir La Xidhay Markii Uu Dhagax Ku Tuuray Gaadhiga Madaxweynaha

Arua, (HCTV) – Nin sheegay inuu ku jiro da’da 70s ayaa lagu xidhay magaalada Arua ee dalka Uganda kadib markii uu dhagax ku shiiday gaadhiga Madaweynaha dalka Uganda, Yuweri Museveni iyo inuu dhaguxu jabiyey muraayada dambe ee gaadhiga.

Ciidamada bileysku waxa ay u yeedheen Mr Omar Risasi Amabua salaasadii todobaadkan, waxaana war ku saabsan taariikhdii falkaasi dhacay lagu sheegay inay ahayd 10 bilood ka hor, arintaa darteedna loo dhigay xabsiga.

Taliyaha Bileyska ee gobolka galbeedka ee Nile Mr Christopher Barugahare ayaa sheegay in ninkaasi dhagax ku tuuray gaadhiga Madaxweynaha, isla markaana loo gudbiyey shalay Gulu, halkaas oo lagu qaadi doono kiiskiisa ka dhanka ah.


“Waxaanu soo xidhnay (Amabua), sababtoo ah waxa uu toban bilood ka hor uu dagaal ku soo qaaday gaadhiga Madaxweynaha isagoo dhagax ku soo tuuray,” ayuu yidhi Barugahare, waxaanu taliyuhu uu intaasi ku daray  in xiliga uu shiiday gaadhiga madaxweynaha ay ahayd maaintii u dambaysay lagu gudo jiray ololihii doorashada golayaasha degaanka iyo Baarlamaanka ee bishii August 13-keedii 2018-kii.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.