Wasiirka Arimaha Dibada Ethiopia Oo La Kulmay Dhigiisa Kenya

Addis Ababa, (HCTV) – Wasiirka Arimaha dibada ee dalka Ethiopia, Gedu Andargachew ayaa kulan iyo wadahadal la yeeshay Wasiirka Arimaha dibada ee dalka Kenya Dr. Monica Juma maanta oo Khamiis ah (June 20).

Labada Masuul ayaa ka wadahadlay arimo ay ka mid yihiin xidhiidhka labada dal ee mudada dheer soo jiray iyo sida hore loogu wadi lahaa xidhiidhkaasi ay wadaagaan labada dal ee Ethiopia iyo Kenya.

Waxaanay sidoo kale labada Wasiir ay hoosta ka xariiqeen muhiimada ay leedahay in ay u wadashaqeeyaan si dhaw oo wadajir ah marka ay timaado arimaha la soo dhigo ururada IGAD, Midawga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.