Hindiya Oo Maraakiibta Dagaalka Soo Dhoobtay Gacanka Oman/Persia

New Delhi, (HCTV) – Dalka Hindiya ayaa sheegay inuu ciidamadiisa badda usoo diray gacanka Cumaan iyo Persia, si ay u ilaaliyaan amaanka maraakiibta maraysa marinbiyoodkaasi, xili xiisad cakirani ay u dhaxayso dalalka Maraykanka iyo Iran.

Dhawaaqan ka soo yeedhay Ciidamada Badda ee dalka Hindiya ayaa ku soo beegmaya saacado uun ka dib markii Ciidamada Ilaalada Kacaanka ee dalka Iran ay sheegeen inay soo rideen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drone-ka wax basaasta ah markii ay soo gashay hawadda dalka Iran.

“Maraakiibta Chennai iyo Sunayna ayaa soo gaadhay gacanka Omaraan iyo Gacanka Persia si ay u sugaan amaanka Maraakiibta, sidoo kale waxa iyaguna hawlgalkaasi ka qayb qaadan doona diyaaradaha iyo maraakiibta raadaaladu ku xidhan tahay,” Sidaasi waxa sheegay Afhayeen u hadlay ciidamada badda ee dalka Hindiya.

​Markabkan Chennai ee dalka Hindiya ayaa ah nooca wax duqeeya oo ay saaran yihiin gantaalo culculisi oo meelo fogfog ka gudba oo dalkaasi dhawaan uu samaystay.

Gacankan xiisada adagi ay ka taagan tahay ee Omaan iyo Persia ayuu ku yaala marin biyoodka aadka muhiimka u ah ee Hormuz kaas oo ay isticmaalaan maraakiibta sida shidaalka iyo saliida dalalka Bariga dhexe.

Dawladda Dalka Maraykanka ayaa dhawaan weerar lala beegsaday Maraakiib shidaal ku eedaysay dalka Iran, inkastoo oo wasiirka Warimaha dibada dalka Iran Maxamed Javad Zarif uu eedahaasi gaashaanka ku dhuftay isla markaana tilmaamay inay ka dambeeyaan dalalka Maraykanka, Sucuudiga iyo Israel kuwaas oo dedaal ugu jira sidii ay u waxyeelayn lahaayeen dalka Iran.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.