Qiimaha Shidaalka Oo Markaliya Booday 5.4%, Hadalkii Trump Kadib

Washington, (HCTV) – Qiimaha Shidaalka ayaa cirka isku shareeray kadib markii dawladda Iran ay soo riday diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee drone-ka loo yaqaan iyo hadalka ka soo yeedhay Madaxweyne Donald Trump ee uu ku weeraray Iran oo isagu sii huriyey walaaca dagaal dhexmara labada dal.

Qiimaha shidaalka ayaa dalka Maraykanka waxa ku biiray $2.89, oo noqonaysa 5.4%, waxaana Foostada ama Barmiilku uu joogaa $56.65, halka suuqyada kale ee caalamka ay kor u kacday $2.79 — a 4.5% oo korodh ah.

Qiima korodhkan laga soo sheegayo suuqyada Shidaalka iyo Saliida qaydhin lagu iibiyo ayaa imanaya kadib markii maalintii shalay Madaxweynaha dalka Maraykanka uu sheegay in Iran ay khalad aad u weyn samaysay, taas oo dad dunidu ay ka cabsi qabto in dagaal uu dhexmaro labada dal ee Iran iyo Maraykanka.

Sidoo kale Diyaaradan drone-ka ah ee la soo riday ayaa imanaya khilaaf ka soo bilaabmay markii maamulka Trump uu ka baxay heshiiskii dhinaca nuclear-ka ee dawladii ka horaysay ay la gashay dalka Iran iyo weerarkii lagu qaaday maraakiibta shidaalka sida ee marayey marin biyoodka Hormuz oo uu Maraykanku ku eedeeyey dalka Iran in weerarkaasi Maraakiibta shidaalka lagu qaaday ay Iran ka dambaysay.

Waxaana walaaca xidhiidhka noocaas ahi uu keenay in qiimaha shidaalku ama saliida qaydhin uu meelo badan oo aduunka ay kor u kacdo iyadoo bariga dhexena ay tahay meelaha ugu badan ee shidaalka aduunka soo saarta.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.