AKHRI: Ayax ka Dillaacay Deegaano Somaliland Ka Mid Ah

Borama (HCTV) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Md. Axmed Muumin Seed ayaa sheegay in deegaanno ka mid ah Gobollada Awdal iyo Saaxil uu ka dillaacay Ayax, kaasi oo faro-baas ku haya Wax soo saarkii Beeraha.

Wasiirka Beeraha oo Maanta La hadlay Telefiishanka HCTV isagoo ku sugan Magaalada Boorama, ayaa sheegay in deegaannada ay Ayaxu ka dillaacay ay ka mid tahay Degmada Lughaya ee Gobolka Awdal iyo Bariga Gobolka Saaxil.

Wasiirka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxa ka dillaacay Bariga Berbera Ayax marka uu dillaacayo la yidhaahdo Koronkor, Ayaxaas wuxuu nagaga yimid Xeebaha Buuraha Golis, dooxa Guban ayuu ku soo horreeyay, Lafa-ruug ayuu soo maray, Xalay wuxuu u hoyday Shacabaleey iyo Go’da yar iyo dooxa weyn Gulaalay. Ayaxu wuxuu sidoo kale ka dillaacay degmada Lughaya, Dadku siday ii soo sheegeen Gargaara, Garaaxo, Usuli, Karuure, Ceel la helay iyo Ceel Sheekh waa laga soo sheegay iyo Agabar-na waa laga soo sheegay oo wuu ka dillaacay.”

Wasiir Seed wuxuu sheegay inay qaylo-dhaan u direen hay’adaha ay wada-shaqaynta leeyihiin Wasaaradda Beeraha “Xalay markaanu arka helnay waxaanu si deg-deg ah Emaillo ugu kala dirnay Hay’adda FAO iyo Hay’adda Kaantaroolka Ayaxa oo fadhigeedu yahay Itoobiya, jawaab deg-deg ahna waan ka sugayaa, si ay inooga caawiyaan Aafadaa Dalka ku habsatay.”ayuu yidhi

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka