UK: Masuul Sare oo Tunka Qabtay Qof Dumar ah oo Shaqada Laga Hakiyay.

London (HCTV) – Mark Field oo ah Wasiiru Dawlaha Arrimaha dibedda UK, kana mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Dalkaasi ayaa laga hakiyey xilka Wasiirnimo, ka dib markii uu Haweenay ka mid ah kuwa u ololeeya in wax laga qabto Cimilada Adduunka ee sii kululaanaysa uu ku dhex tukhaantukhiyey Goob ay ka socotay Xaflad lagaga hadlayey Isbeddelka Cimilada Adduunka.

Mark Field ayaa Raalli-gelin ka bixiyey inuu hawsheedii ka hor istaagay Haweenayda oo doonaysay inay ku dhex mudaharaaddo meesha Xafladdu ka socotay “Aad baan uga wer-weray’ inay hubaysnayd ayuu sheegay Mr. Field

Haweenayda uu Wasiirku dhibaateeyay ayaa iyaduna Warbaahinta u sheegtay in waxa uu soo gaadhsiiyey Mark Field ay isaga uun danbarsan doonto, waxayna u soo jeedisay inuu tago Fasallada lagu barto sida cadhada loo xakameeyo.

Afhayeen u hadlay Xafiiska Raysal-wasaaraha Ingiriiska ee loo yaqaano 10 Downing Street ayaa sheegay in Raysal-wasaare Theresa May ay aragtay muuqaalka Wasiirka oo Tukhaantukhinaya ama riixaya Haweenayda doonaysay inay Mudaharaadka samayso.

Afhayeenku waxay sheegtay in Wasiirka shaqada Wasiirnimo laga hakiyey inta baadhitaan lagu samaynayo ficilka uu sameeyay.

Dhinaca kale, Xildhibaanno ka mid ah Xisbiga Conservative-ka ayaa iyaguna soo jeediyey in xilka laga caydhiyo Wasiirka.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka