Diyaaradaha Nukliyeerka Qaada Ee Maraykanka Oo Lagu Arkay Meel Ku Dhow IRAN

IRAN (HCTV) – Xiisadda u dhaxaysa Maraykanka iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee IRAN ayaa kor u sii kacday Khamiistii Shalay, ka dib markii Gantaal Iiraan leedahay uu dhulka soo dhigay diyaaradaha aan Cidna wadin ee Drons-ka loo yaqaan, gaar ahaan kuwooda wax basaas ah, taasi oo Tehran sheegtay inay hawl-gal ka wadday Hawadeeda.

Madaxweynaha Maraykanka Doland Trump oo digniin ka soo saaray diyaaradda IRAN ka soo ridday Dalkiisa, ayaa Twitter-ka ku soo qoray in IRAN samaysay khalad weyn, waxaanu daqiiqaddii u dambaysey go’aamiyey Weerar ay qaadayaan diyaaradaha Dagaalka Maraykanka, kuwaasi oo dili karayey in ka badan boqollaal reer IRAN ah.

Subaxdii hore ee Jimcaha Maantana, Laba ka mid ah Diyaaradaha dagaalka ee loo yaqaano B-52 ee qaada Bambooyinka, mid kastaana qaadi karto tobanaan kun oo KG oo Hub ah, sida Gantaalaha meesha fog wax ka dila iyo Bambooyinka Nukliyeerka ayaa dul haadayey Gacanka Persia, xilli Maalin ka hor IRAN soo ridday diyaarad Drone ah oo Maraykanku lahaa.

Diyaaradaha xambaara Bambooyinka wax burburiya ayaa meelaha ay dul haadayeen ee lagu arkay waxa ka mid ah Saldhigga Ciidammada Cirka ee Al Udeid oo Koonfur kaga beegan Magaalada Doha ee Caasimadda Qadar.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka