Trump Oo Faahfaahiyey Sababta Uu U Joojiyey Weerarkii IRAN

USA (HCTV) – Madaxweynaha Maraykanka Doland Trump ayaa sheegay in Dawladdiisu aanay doonayn dagaal, balse wuxuu Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee IRAN uga digay burbur, hadduu dagaal ka dhex qarxo Maraykanka.

Madaxweyne Trump oo Jimcihii u warramayey Telefiishanka NBC wuxuu sheegay in xitaa haddii Wada-hadallo dhex maraan IRAN aanay Wada-hadalladaas loogu ogolaanayn inay Naaxiyaan Hubkooda Nukliyeerka.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu ka warramay sababta uu u joojiyey Weerar uu Amray in Diyaaradaha Maraykanku ku qaadaan IRAN markii la soo riday Diyaaradda Drone-ka ee IRAN dhulka soo dhigtay Khamiistii.

Trump wuxuu sheegay inuu Daqiiqaddii u dambaysay joojiyey Weerarkii diyaaraduhu qaadi lahaayeen, ka dib markii Saraakiisha hagi lahayd Weerarkaasi u sheegeen in Diyaaraduhu dili karaan Dad gaadhaya 150 Qof oo reer IRAN.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka