Soomaaliya: Shan Ruux Oo Ku Dhintay Dagaal-beeleed Ka Dhacay Hiiraan

Hiiaan (HCTV) – Warar HCTV ka soo gaadhaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya inuu dagaal dhex maray laba Maleeshiy-beeleed.

Maleeshiyo-beeleedyadan oo ka soo kala jeeda Gobollada Hiiraan iyo Gal-gaduud ayaa la sheegay inuu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, waxaana Wararka hor-dhaca ahi sheegayaan in Dadka dhintay oo u badan Dad shacab ah ay tiradoodu dhan tahay 5 Ruux, halka dhaawac badana jiro.

Illaa hadda lama sababta rasmiga ah ee dagaalku ka qarxay, inkasta oo Warar aan la xaqiijin sheegayaan inuu la xidhiidho Aano Qabiil.

Dadka Shacabka ee dagaalka ku dhintay ayaa deegaannadii ay dagaanaayeen ay Maleeshiyaadku ku dul dagaalameen, taasi oo keentay in Shacab aan hubaysnayn uu khasaare soo gaadho.

dagaalka ayaa ka dhacay deegaanno hoos taga degmada Matabaan.

Horn Cable Tv kala soco Wixii Warkan ka soo kordha

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka