Ilhaan Cumar Oo Ku Biirtay Dadka Ku Baaqaya In La Baadho Sababta Dhimashada Mursi

USA (HCTV) – Haweenayda Soomaaliyadda ah ee ka mid ah Aqalka Congress-ka Maraykanka Ilhan Omar ayaa ku baaqday in baadhitaan Madax-bannaan lagu sameeyo dhimashada Madaxweynihii hore ee Masar Mohamed Morsi.

Mohamed Morsi ayaa Allaah ha u naxariistee waxa uu Geeriyooday isagoo taagan Maxkamad Dacwadda loo haysto lagu dhegaysanayey, ka dib markii uu Suuxay, suuxdintaasi oo aanu dib uga soo laaban.

Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa ku biirtay Dadka ku baaqaya in Baadhitaan Madax-bannaan lagu sameeyo Dhimashada Mohamed Morsi, si loo hubiyo inuu is Caadi ah u dhintay iyo in la dilay, waxaana baaqan oo kale hore u soo saaray Qaramada Midoobay, Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo Hay’adaha u dooda xuquuqda aadamaha u dooda, sida Amnesty International, Human Rights Watch.

Maxamed Mursi ayaa waxyaabaha lagu eedeeyay waxa ka mid ahaa inuu xidhiidh la lahaa Ururrada Falastiiniyiinta ee Xamaas iyo Hezbollah.

Mursi oo da’diisu ahayd 67 jir, ayaa xabsiga ku jiray illaa sannadkii 2013-kii oo Milletarigu uu xukunka ka tuuray.

Ilhaan Cumar oo Qoxootinimo ku gashay dalka Maraykanka, Aqalka Congress-ka Maraykankana loo doortay Sannadkii 2018-kii, ayaa hore uga hadashay Gabood-fallada ka dhanka ah Xuquuqda aadamaha ee Masar ka jira.

Bishii la soo dhaafay ee April ayay Ilhaan ku baaqday in la soo daayo gabadh lagu Magacaabo Huda Abdulmonem, taasi oo ah Looyarad u doodda xuquuqda aadamaha oo la xidhay iyada iyo 18 xubnood oo kale, sida uu daabacay News Arab oo HCTV soo xigtay.

Maxamed Mursi ayaa Meydkiisa la aasay Toddobaadkii hore.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka