Xeryo Ay Ka Guureen Qoxooti Soomaaliyeed Oo Kenya Lagu Wareejiyey

Kenya (HCTV) – Laba Xero Qoxooti oo sannadkii 2011-kii loo furay Dad xilligaa Soomaaliya uga carraray Macaluul, ayaa la xidhay, waxaana la wareegtay Dawladda Kenya.

Dawladda Kenya waxay sheegtay in Tallaabadani qayb ka tahay dedaallada la doonayo in lagu xidho Xerada Dhadhaab, xeradaasi oo ah mid weyn isla-markaana muddo 30 sanadood ku dhow marti-gelinaysay Qoxooti.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qoxootiga ee Magaceeda loo soo gaabiyo UNHCR ayaa Jimcihii Shalay Dawladda Kenya ku wareejisay laba Xero oo kala ah Kambios iyo Ifo 2.

Dadkii ku noolaa Labada Xero ee Dawladda Kenya lagu wareejiyey ayaa qaarkood dib ugu noqday Dalka Soomaaliya, halka intii kalena dib u dejin loogu sameeyay Xerooyin kale, sida Hagardera, Dagahley iyo Ifo.

In ka badan 80,000 Qoxooti Soomaali ah oo ku noolaa xeryaha Kenya ku yaalla ayaa shantii sanadood ee u dambeeyay dib ugu noqday Dalka Soomaaliya, inkasta oo Ururrada Xuquuqda aadamaha u dooda sheegeen in si khasab ah loogu dib loogu celiyey.

Sida laga soo xigtay UNHCR, Xerada Dhadhaab ayaa marti-gelisay in ka badan 200,000 Qoxooti u badan Soomaali, kuwaasi oo ka soo waxay Dagaallada iyo Abaarta dalkooda ka jirta.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka