12,000 Oo Ka Mid Ah Beeralayda Hindiya Oo Is Dilay

India (HCTV) – Ismaamulka Maharashtra ee Dalka Hindiya ayaa diwaangeliyey 12,021 Beeroole oo is-dilay Afartii sannadood ee u dambeeyay.

Celcelis ahaan 8 Beeroole ayaa is dilayey Maalin kasta intii lagu jiray Muddada Afarta sanadood ah, sida uu baahiyey Warbaahinta Hindiya  oo HCTV soo xigtay.

Geerida Beerooleyaasha is-dilaya way sii socon kartaa, maaddaama oo lagu jiro Abaartii ugu xumayd ee Abid deegaankaa soo marta, taasi lafteeda ayaa wer-werkeeda leh.

Wasiirka Caawimada iyo Dayactirka ee Hindiya Subhash Deshmukh oo Xildhibaannada laga soo doorto deegaanka dhibaatadu ka dhacday waydiiyeen su’aalo la xidhiidha xilliga Dadka intaas leegi is dileen, ayaan muujin wax garawshiyo ah oo keenay inay dadku is dilaan, waxaanu sheegay in 6,888 ka mid ah Beeralayda is dishay ay xaq u lahaayeen taageerada ay Dawladdu siiso Beeralayda, laakiin wuxuu xaqiijiyey Geerida 12,021 Qof, isagoo xusay in Dadka Dawladdu taageerada siisa ay boqolkiiba hal ka yihiin Dadka looga baqo inay baahi isku dili karaan.

Wasiirku wuxuu sheegay in 6,845 Qof oo ka mid ah Dadka is dilay Sannadkii 2017-kii la gaadhsiiyey Caawimada Dawladdu siiso Beeralayda.

Waxa kale oo sheegay in saddexdii bilood ee u horreeyay ee sannadkan 2019, ay 610 Beeroole is dileen.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka