Wasiir Ingiriis ah oo Deg deg ugu Safraya Dalka Iran.

Wasiiru dawlaha Xukuumadda UK u Qaabilsan bariga dhexe Dr Andrew Murrison, ayaa si maalinta beri la filayaa inuu u dhoofayo dalka Iran si uu masuuliyiinta wadankaasi ula Yeesho wadahadlo Muhiim ah oo lagu dejinayo Xiisadda dagaal ee u dhaxaysa Maraykanka iyo Dawladda Iran.

sida uu daabacay Wargeyska the National ee dalka imaaraadka, Dr Andrew,ayaa qaadan doona booqasho lagu tilmaamay muhiim ah oo Iraniyiinta uu kala hadli doono qodobo xasaasi ah oo ku saabsan sidii loo baajin lahaa dagaalka Maraykanku damacsan yahay inuu dalkaasi ku qaado.wadaxaajoodka ayaa la filayaa inay dhacaan bari oo axad ah.

Masuulkani ka tirsan xukuumadda UK ayaa ugu baaqay in lays dejiyo ” waxaan ku baaqayaa in la dejiyo xiisadda gobolka ka taagan, UK iyo bulshada caalamku waxay ka cabsi qabaan xurgufta Iran ka dhanka ah ee gobolka ka socota oo keeni karta in Iran ay joojiso heshiiskii Nukliyeerka oo uk ay ka go’an tahay inuu shaqeeyo” ayu yidhi dr Andrew oo ah wasiiru dawlaha ingiriiska u qaabilsan bariga dhexe oo bir u socdaalaya iraan.

Image result for iran tensions

xiisadda ayaa meel adag maraysa kadib markii shalay uu madaxwaynaha maraykanka donald trump uu baajiyay weerar cirka ah oo uu amray in lagu qaado Iran.
amarkaasi oo daba socday diyaaradii maraykanka ee ciidamada Maraykanku ay soo rideen.

 

Image result for iran tensions