Dhisme 7 Dabaq Ah Oo Ku Burburay Cambodia

Sihanoukville, (HCTV) – Dhisme todoba dabaq ah oo dib u dhis uu dhisme ku socday ayaa ku burburay magaalada Sihanoukville ee dalka Cambodia, waxaana ku dhintay 7 qof halka ay ku dhaawacmeen 21 qof, sida ay sheegtay dawlada dalkaasi.

Waxaana masuuliyiinta gobolkaasi ay sheegeen in afar nin oo Shiine ahi ay wadeen dhismahaasi kuwaas oo hada la xidhay, inkastoo ay socota baadhista ku saabsan sababta dhismahaasi u burburay.

Kooxaha gurmadka degdega ah ayaa goobta ku hawlan si ay u baadi goobaan hadii ay jiraan cid kale oo ka shaqaynaysay dhismahaasi oo ku godoonsan burburka dhismaha, sida uu sheegay taliyaha ciidamada bileyska oo uu u hadlay Maj. Thul Phorsda.

Wasiirka Shaqaalaha iyo Tababarada Farsamada gacanta ee dalkaasi Cambodia ayaa sheegay in 30 shaqaale ahi ay ka shaqaynayeen xiligii dhismahaasi burburay oo ahayd Afartii Subaxnimo, waxaanay bileyska iyo masuuliyhiinta gobolkuna ay tilmaameen in aanay garanayn sababta ay dhismahaasi uga shaqaynayeen waxaas oo shaqaale ahi.

Ilaa iyo hadana ma cada waxa sababay in dhismahaasi uu dumo, maadaama oo boqolkiiba 70% dhismahaasi uu dhamaystirnaa.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.