Diyaaradaha Imaaraadka oo Raadinaya khad Amni ah oo ay ku duulaan.

Dubai (HCTV)Masuuliyiinta wakaaladda duulimaadka Rayidka ah ee dalka Imaaraadka, ayaa ugu baaqay dhammaan diyaaradaha ka diiwaangashan dalkooda inay badalaan khadadkii hore ee ay mari jireen intii aanay bilaabmin xiisadda colaadeed ee gobolka ku dhexmaraysa Iran iyo Maraykanka.

Imaaraadka ayaa  shirkadaha uga digay khatar kaga iman karta hadii ay dulmaraan hawada ay maamusho Iran.

shirkadaha  Fly dubai Etihad iyo Emirates ayaa sheegay inay raacayaan talaabooyinka cusub si ay uga dheeraadaan hawada Iran ee xiisaddu ka oogan tahay.

Imaaraadka iyo inta badan wadamada khaliijka ayaa Daris la ah wadanka Iran, waxaana ay wadaagaan  dano dhinaca  rayidka ah, oo ay ka mid tahay  is dhexmarka duulimaadyada Rayidka ah.
balse xiisadda hadda taagan ee u dhaxaysa Iran iyo Marayanka ayaa soo kordhisay khatar amni, kadib markii Iran ay soo riday diyaarad Maraykanku leeyahay.