Britain Oo Guulo Ka Samaysay Tamarta Laga Dhaliyo Dabaysha Iyo Qoraxda

London, (HCTV) – Halkii ay ku dhalatay Isticmaalka Tamarta Dhuxusha ayaa isbadashay. Markii ugu horaysay tan iyo xiligii kacaanka warshadaha, Boqortooyada Ingiriisku waxa ay dhaqaajisay Tamar badan oo laga helo ilaha tamarta nadiifta ah, sida Qoraxda ama Cadceeda, nuclear-ka tamarka loo isticmaalo iyo shidaalka fossil, sida ay sheegtay waaxda qorshaha qaranka Britain u qaabilsan arintan.

Waxaanay tilmaantay in tamar nadiif ah uu ka horreeyay 48% laga dhaliyo Fossil Fuels, halka illaa 47% dhuxusha iyo gaaska ay ku xidhan tahay.

Hadaba Isbeddelka uu dalka Ingiriisku uu ka samaynayo dhinaca tamarta ayaa wuxuu ka tarjumayaa hoos u dhaca tamarta dhuxusha ka timaada, iyo kor u kaca tamarta dhinaca dabaysha iyo qoraxda ka soo baxda.

Qorshahan Qaranka dalka Ingiriiska ayaa sheegaya in tobanaankii sanadood ee la soo dhaafay lagu hawlanaa sidii jiilka dhuxusha looga dhigi lahaa 30% ilaa 3%.

Dhinaca kale awoodda tamarta laga dhaliyo Dabaysha ayaa kor u kacday ilaa 1% ilaa 19% boqolkiiba.

Iyadoo bishii March Boqortooyada Ingiriisku ay kor u qaadday tamartii ugu badnayd ee aan dhuxul loo isticmaalin ee laga sameeyay heerarka rikoodhka qoraxda ee laba maalmood oo isku xiga.

Isbeddelka ayaa lagu wadaa baahida loo qabo in la yareeyo qiiqa Gaaska (green house gas) ee kululeynaya cimilada.

Qaybta korontada ayaa loo arkay sida ugu fudud ee loo bilaabi lahaa.

John Pettigrew, Agaasimaha Waaxdan Qorshaha Qaranka ee Tamarta, ayaa u sheegay BBC-da: “10kii sano ee la soo dhaafay waxaa jiray horumar dhab ah oo ku saabsan nidaamka tamarta – laakiin 2019 waxay noqotay ta guusha muhiim ah la gaadhay.

“Waa markii ugu horreysay tan iyo Kacdoonka Warshadaha, in koronto badan laga soo saaro ilo yar oo ka hooseeya ugxan-yar, halkii ay ka soo rogi lahaayeen shidaal fossil ah, waa arrin aad u xiiso badan, sababtoo ah waa meeshii laga soo dheegtay.”

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.