Isku Day Afgambi Oo Ka Dhacay Gobolka Amxaarada Ethiopia

Amhara, (HCTV) – Isku day Afgambi ayaa lagu dilay hogaamiyihii gobolka Amxaarada ee dalka Ethiopia Ambachew Mekonnen iyo la taliyihiisii Ezez Wasie kadib markii lagu soo weeraray xafiiskiisa, sida ay ku waramayaan warbaahinta dalka Ethiopia, kuwaas oo aan sheegin ilaa iyo hadda cid ka masuul ah weerarkaasi.

Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia ayaa sidoo kale sheegay in Taliyihii Ciidamada dalka Ethiopia lagu toogtay isku dayga afgambi ee ka dhacay gobolka Amharada ee dalka Ethiopia.

Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia oo xidhan dharka milatariga ayaa ka hadlayey Telefishanka dalkaasi xili dambe oo xalay ahayd ayaa sheegay in General Seare Mekonnen uu ka mid yahay dhawr qof oo dhaawacyo ka soo gaadheen, waxaanu yidhi Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia “Waxa toogtay dad iskaga ku dhawaa”.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.