Wararkii U Dambeeyey Xaalada Gobolka Amxaarada Ethiopia

Bahirdar, (HCTV) – Xaaladda Bahirdar, oo Xalay dilal iyo Afgambi uu ka dhacay ayaa wararka laga helayaa ay sheegayaan in inta badan  Saraakiishii Afgambiga ku kacay la qabqabtay, Militeriga dalka Ethiopia ayaa isku Gadaamay Magaalada Bahir Dar, khadka internet-kana waa laga jaray.

Taliyaha ciidamada Gaarka ee deegaanka Amxaarada Brigadier General Tefera Mamo, ayaa sheegay inay xidheen inta badan xubnihii af-gambiga Sameeyey kuwo kalena ay wali ku raad joogaan.

“Calooshood u shaqaysteyaal ayaa dilay Taliyihii Ciidanka Militariga….” Raysal wasaare Abiy ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay dilka Taliyii guud iyo Madaxwaynihii deegaanka Amxaarada.

Isku-day Af-gambi oo xalay ka dhacay deegaanka Amxaarada ee Dalka Ethiopia.

Ciidan Hubaysan ayaa weeraray xarunaha dawlad deegaanka amxaarada ee magaalada Bahir Dar waxaana halkaasi lagu dilay Madaxwaynihii deegaanka amxaarada Ambachew Mekonnen saraakiil kale.

Sidoo kale waxaa magaalada addis ababa lagu toogtay Taliyihii guud ee Militeriga Ethiopia General Sear Mekonen sida uu xaqiijiyay Raiisal Wasaaraha ethiopia oo televisionka ka hadlay.

Wali xaalad kacsan ayaa laga dareenayaa deegaanka amxaarada, ciidamada Militeriga ayaa isku gadaamay magaalada Bahirdar.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.