Laba Diyaaradood Oo Kuwa Dagaalka Ah Oo Ku Khasabay Diyaarad Rakaab Inay Dib Usoo Degto

London, (HCTV) – Labadan diyaaradood oo kuwa dagaalka ah yaa diyaarad rakaab oo nooceedu yahay Jet2 oo ay saarnaayeen dad rakaab ahi oo ka duushay Garoonka diyaaradaha ee London Stansted Airport oo ku sii jeeday magaalada Dalaman Koonfur-galbeed ee dalka Turkiga ku khasbay inay dib ugu soo noqoto halkii ay ka duushay.

Falkan ayaa loo xidhay Haweenay kadib markii laba diyaaradood oo jet ahi ay ku khasbeen diyaarad rakaab siday inay dib ugu soo dagto magaalada London oo wax yar uun ka hor ay ka duushay Madaarka London Stansted Airport.

“Waxa aanu la soconay dhacdada iyadoo si aad ay u khalkhal galisay duulimaadkii Rakaabka ka dhoofayey Stansted una sii jeeday Dalaman horaantii galabnimadii shalay,” sida uu sheegay afhayeen u hadlay labada diyaaradood CNN u waramay.

“Diyaaradi si nabadgalyo ah ayay dib ugu noqotay, waxaanay maamulka diyaaradu ay gacan ka gaysanayaan baadhista socota. Waxa aanu si aad ah uga shaqaynaynaa baadhistu.” Sida maamulka madaarka Stansted Airport u sheegay warbaahinta CNN.

Afhayeen u hadlay ciidamada gudaha ayaa sheegay in haweenay 25 jir ah loo xidhay arintaasi.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.